𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗞𝗵𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀, 𝟮𝟮 𝗔𝗴𝗼𝗼𝘀𝘁𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa kaga qeybgalay Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda, diyaargarowga Shirka Wadatashiga ee heer Wasiir oo looga hadlay Ajandayaasha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la hortagi doonto Madasha Shiinaha iyo Africa (FOCAC) oo lagu wado in lagu qabto Magaalada Beijing inta u dhexeysa 4-6 September, waxaana Shirkaan Shir-guddoomiyey Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Md. Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo ka hadlay Shirka diyaargarowga ayaa sheegay in dhawaan Safar uu ku tagay Shiinaha ay muhiim tahay in la xoojiyo qodobadii ka soo baxay oo ay ka mid ahaayeen Iskaashiga Dhijitalka ee Kaabayaasha, Hal-abuurka, Isbeddelka Dhijitalka, Siyaasadda, Amniga iyo Iskaashiga Awooda Dhijitaalka.
Waa Madasha sagaalaad ee Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) waxaana ka qeybgali doono wefdi heer sare ah ayna hoogaamindoonaan Madaxda Dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia