Wasiirka Isgaarsiinta Xildhiban Moxamed Soomaali ayaa ka qeybgalay Shirweynaha xoojinta iskaashiga Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟮𝟰 𝗝𝘂𝘂𝗻, 𝟮𝟬𝟮𝟰: – Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa ka qeybgalay Shirweynaha xoojinta iskaashiga Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika oo maanta furay Madaxweynaha JFS Mudane 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado badan.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey Shirweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaaraiinta ay wado Mashruuc aad u weyn oo heer Gobol ah qeybna ka qaadanaayo Isdhexgalka Suuqa Bulshada Bariga Afrika kaas oo u sahlayo in ay helaan Internet jaban oo kor u qaadayo Iskaashiga Koboca Dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la bilaabayo Adeegga Boostada Soomaaliya oo qaab casri ah loo sameenaayo Ciwaanada Dhijitaalka (Digital Addressing System) si ay fursad u helaan Shacabka Soomaaliyeed in alaabaha dibadda ka soo iibsadaan si toos ah loogu keeno.
Shirkaan waxaa si wada jir ah usoo agaasimay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda SIMAD, waxaana ka soo qeybgalay Marti sharaf kala duwan oo ka yimid wadamada ku mideesan Ururka Bariga Afrika iyo haldoorka Ganacsatada Soomaaliyeed.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top