Wasiirka Maxamed Soomaali oo ka Qayb Galay Xiritaanka Shir Dib-u-Eegis ah oo Ku Saabsan Mashaariicda Bangiga Adduunka.

MUQDISHO, 31-JANAAYO 2025
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐀𝐈𝐍(𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa ka qeyb galay Soo xirista shir laba maalmood socday oo dib loogu eegayey habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga Adduunka ka taageero Soomaaliya.
Shirkan, oo ay ka soo qeybgaleen Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ka faaideysta mashaariicda bangiga iyo madax ka socotay Bangiga Adduunka, ayaa lagu qiimeeyey heerka ay marayaan mashaariicda la maalgeliyo, guulihii laga gaaray mashaariicdaas,caqabadaha ka jira iyo fursadaha horumarineed ee la xoojin karo.
Intii shirka uu socday, waxaa diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa fulinta mashaariicdan, loona hubin lahaa in ay si waxtar leh u gaaraan ujeeddooyinkooda.
Wasiirka Isgaarsiinta Ee dalka, Mudane Mohamed Adam Mo’alim(Soomaali) ayaa hoosta ka xariiqay in dib-u-dhac uu ka jiro fulinta mashaariicda, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in la dadajiyo hirgelintooda. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee mashaariicdan ay ku leeyihiin kobcinta horumarka dhanka isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ee dalka.
Wasiirka wasaaradda iyo teknolojiyadda (JFS) Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa uga mahadceliyey Bangiga Adduunka taageeradiisa joogtada ah iyo wadashaqeynta dhow ee uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, sidoo kale wasiir SOOMAALI ayaa xusay in iskaashigani uu door weyn ka ciyaarayo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta iyo horumarka dijitaalka ah ee dalka.
Shirkaan labada maalin kasocday magaalada muqdisho oo uu soo xiray wasiirka maaliyada (XFS ) Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo waxqabadka mashaariicda horumarineed, si loo xaqiijiyo in ay si waxtar leh ugu adeegeyso bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
……………..
Wixii faafaahin ah kala xiriir
Ali Omar Abdalla
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top