Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajayidda ayaa maanta la kulannay Safiirka Shiinaha u fadhiya dalkeena, H. E. Qin Jian.

Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajayidda ayaa maanta la kulannay Safiirka Shiinaha u fadhiya dalkeena, H. E. Qin Jian.

Waxay ka wada hadlen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalkeena.

Qorshayaasha aya Wasaaraddu dooneyso in wax lagala qabto waxaa ka mid ah sida Shiinuhu gacan Ugu siin karo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka iyo kobcinta aqoonta teknolojiyada.

Safiirku wuxuu ballanqaaday inuu diyaar u yahay iskaashi dhex mara labada dal, iyadoo ugu dambeyntii lagu ballamay in kulamo kale la isugu yimaado.

Waxaa kulanka ku wehliyay Md Cabdi Sheekh Axmed, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Daahir Salaad oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Xiriirka Caalamiga ah.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top