Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada soo xiray Shirka xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika

𝗡𝗮𝗶𝗿𝗼𝗯𝗶 – 𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟭𝟯, 𝟮𝟬𝟮𝟰 – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa maanta magaalada Nairobi ku soo xiray Shirka xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika oo socday muddo Afar maalmood ah, waxaana ka soo qeybgalay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝗞𝗿𝗶𝘀𝘁𝗶𝗻𝗮 𝗦𝘃𝗲𝗻𝘀𝘀𝗼𝗻, Maareeya’yaasha, Madaxa Mashruuca EA-RDIP, Lataliyaasha iyo howlwadeenada Wasaaradda.
Shirkaan ayaa looga hadlay maraxaladaha uu soo maray Mashruuca EA-RDIP, halka la hiigsanaayo, howlaha qorsheysan in la fuliyo iyo qaabka loo qabanaayo sannadkan inta ka dhiman.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo ka hadlay xiritaanka Shirka ayaa sheegay in Mashruucaani yahay mid iskuxiraayo Bariga Afrika, Soomaaliyana ay ka faa’iidii doonto baahinta Internetka in la gaarsiiyo meelo badan oo dalka ka mid ah si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo xoojinta dhijitaalka.
Wasiirka ayaa muddadii uu shirku socdey shir doceed la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson, Waxa uuna kala hadalay sidii la isugu duwi lahaa deeqaha Horumarinta dhijital ah ee Soomaaliya, maadaama Wasaaraddu u igmantahay dejinta siyaasadaha qaranka, shuruucda iyo xeerarka la xiriira Isgaarsiinta, iyo Teknolojiyada Dalka.
𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗜𝘀𝗸𝘂𝘅𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗶𝗷𝗶𝘁𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 (𝗘𝗔-𝗥𝗗𝗜𝗣) waxa uu diiradda saarayaa Horumarinta isgaarsiinta casriga ah, Waxaana u xilsaaran fulintiisa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiada, waxaana maalgeliyey Baanka adduunka, iyadoona si gaar ah u maamuli doono Unugga Fulinta Mashruuca (Project Implementation Unit) waxa uuna leeyahay xubno wakiillo ah oo ka shaqayn doono dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top