Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada xildhibaan maxamed soomaali ka qeybgalay kulan gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay dhiggiisa shiinaha.

𝗕𝗲𝗶𝗷𝗶𝗻𝗴, 𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮, 𝟬𝟲 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sugan Magaalada
𝗕𝗲𝗶𝗷𝗶𝗻𝗴 ee Caasimada Wadanka Shiinaha ayaa ka qeybgalay maanta wada-hadallada laba geesood ah ay yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing.
Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 “𝗗𝗶𝗶𝗻𝗶”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top