Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada xildhibaan maxamed Soomaali oo ka qeybgalay kulanka Guddiga Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗔𝘅𝗮𝗱, 𝟭𝟴 𝗔𝗴𝗼𝗼𝘀𝘁𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa maanta ka qeybgalay kulanka Guddiga Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Shir Guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir waxaana lagu qabtay Xarunta Jamaacadda ee KM4, Muqdisho.
Sidoo kale kulanka waxaa ka soo qeybgalay Gudomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ku-xigeenadiisa iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo ka mid ah xubnaha Guddiga Sare, ayaa ku ammaanay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Jaamacadda sida ay ugu heellan yihiin tayeynta iyo ballaarinta adeegga tacliinta sare ee Jaamacadda Ummadda, waxa uuna bogaadiyey horumarka ay Jaamacaddu ku tallaabsatay, iyo qorshayaasha istaraatijiyadeed ee u yaalla.
Kulanka maanta ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan iyo muuqaallo ka hadlaya sooyaalka waxqabad ee Jaamacadda, muddada 10ka sanno ee ay jirtay 2014 – 2024, iyo qorshayaasha kala duwan ee hortebinta u leh.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top