Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda oo Guddoomiyaha Shirkadda Hormuudda Ugu Hambalyeeyay Guuhsha uu u soo Hooyay Soomaaliya

(Muqdisho, 18, November, 2023) …….Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya Mudane Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud, Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, ugu hambalyeeyay in uu ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee CXO of the Year, oo ay Africa Tech Festival ku abaalmariso madaxda shirkadaha Afrika, ee horumarro iyo guulo waaweyn u horseeday shirkadaha ay hoggaamiyaan, kana qeybqaatay horumarinta isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Afrika.
Wasiirka ayaa Guddoomiyaha Hormuud Telecom ku bogaadiyay in ay guul Soomaaliya uga soo hooyeen abaalmarintan oo ay kula tartameen madaxda Shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank. Taran iyo qiimeyn adag ka dibna xaflad xalay ka dhacday magaalada Cape Town ee dalka South Africa lagu iclaamiyay in uu abaalmarintan ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa sidoo kale maamulka Shirkadda ku bogaadiyay kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaateen horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalka, oo ay heer fiican ka gaartay Soomaaliya. Waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba-jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan isku xirka bulshadeenna, fududeynta nolosha dadkeenna, shaqa-abuurka Dalka, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia
May be an image of 1 person and text

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top