Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Maxamed Soomaali oo Ka Qeyb Galay Shirka Caafimaadka Dijitaalka ah ee Soomaaliya 2024.

MUQDISHO, SABTI, 24 November 2024
Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),
Mudane πŒπ€π—π€πŒπ„πƒ 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 πŒπ€π‚π€π‹πˆπ (π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆ)
ayaa maanta ka qeyb galay shirka caafimaadka dijitaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo uu maanta daah furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee XFS .
Shirkan oo diiradda lagu saaray doorka teknolojiyada casriga ah ee horumarinta caafimaadka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ku-xigeenka 2-aad ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, wasiiro ka socday maamul goboleedyada dalka, Xubno katirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, ururada bulshada rayidka ah, Khubaro caafimaad oo heer qaran iyo caalami ah, Iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€πšππšπ§, oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa ku bogaadiyay dowladda iyo bahda caafimaadka dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada teknolojiyada caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ka wasaarad ahaan ay saaran tahay dajinta shuruucda digitaalka ah, ilaalinta xogta shaqsiga ah Iyo keydinta xogta.
Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π’π¨π¨π¦πšπ₯𝐒 ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhisidda kaabayaasha teknolojiyada oo xoojinaya adeegyada caafimaadka ee dalka.
Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay noociisa oo Soomaaliya lagu qabto, waana tallaabo muhiim ah oo ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.
DHAMMAAD
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝐀π₯𝐒 𝐎𝐦𝐚𝐫 π€π›ππšπ₯π₯𝐚
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top