
Wasiirka Wasaaradda oo tababar u furay Qaar ka mid ah shaqaalaha Boostada
Wasiiraka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda XFS, Mudane Abdi Sheikh Axmed ayaa furay Tababar ku saabsan Musiibooyinka iyo khataraha soo wajaha Adeega Boostada, Tababarkaas oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Shaqaalaha waaxda Boostada, iyada oo ay ka faa’iideysan doonaan shan iyo toban (15) shaqaale ka mid ah Shaqaalaha Waaxda Boostada wuxuuna socon doonaa muddo Shan (5) Maalmood ah.
Wasiiraka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda XFS, Mudane Abdi Sheikh Ahmed ayaa u sheegay shaqaalaha in ay aad muhiim u tahay in ay ka faa’iideystaan aqoonta & macluumaadka uu xambaarsan yahay tababarka, sidoo kale wuxuu wasiirku carabka ku adkeeyay in uu xooga saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha wasaaradda guud ahaa, gaar ahaan shaqaalaha waaxda Boostada.
Tababarkaan waxaa bixinaya khuburo isugu jira Ajaaniib iyo Sooomaali oo hab foggaan arag u bixin doona Cashirada iyo aqoon waddaaga.