WASIIRU-DOWLAHA ISGAARSIINTA IYO TEKNOOLOJIYADDA OO DAAHFURYAY SHIRWEYNAHA 7-AAD EE INJINEERINKA, SAYNISKA IYO TEKNOOLOJIYADDA (CEST).

(Muqdisho, 6, December 2023) …….Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhiabaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa daahfuray Shirweynaha 7-aad ee Injineerinka, Sayniska iyo Teknoolojiyadda oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Dowladda, Madaxda Jaamacadaha qaar, khubaro, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal iyo hal-abuurayaal.
Shirweynahan oo sanadkiiba mar la qabto waxaa lagu soo bandhigay Xoojinta hal-abuurnimada Horumarka waara ee Soomaaliya iyada oo loo marayo cilmi baarista Injineerinka, Sayniska iyo Teknoolojiyadda, waxaana iska kaashaday qabanqaabada Shirweynaha Jaamacadaha kala ah Simad, Jamhuuriya iyo Zamzam.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhiabaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa u Mahadceliyey Mas’uuliyiinta soo agaasimay Shirweynaha….”Waxa loo baahanyahay in Teknoolojiyadda aan ka faa’iidaysano oo aynu u adeegsano xalinta dhibaatooyinka ka jira wadankeena sida dunida kale, Waxaan u baahanahay inaan abuurno jawi ku habboon Cilmi-baarista, laguna dhiiragaliyo si tayada Saynis-yahanada dalka kor loogu qaado……..ayuu yiri Wasiir Axmed DIiriye.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda waxa ay Dhiirigalineysaa Hey’adaha iyo Jaamacadaha sameeya Cilmi baarista, si la isaga kaashado Xogta Tiknolojiyada.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top