WASIIRU-DOWLAHA ISGAARSIINTA IYO TEKNOOLOJIYADDA OO SOO XIRAY SHIRWEYNAHA 6-AAD EE…

MADASHA XIRFADLEYDA TEKNOOLOJIYADDA (SOMALI NETWORK OPERATORS GROUP – SOMNOG).
(Muqdisho, 26, October, 2023) ……. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhiabaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa soo xiray Shirweynaha 6-aad ee Madasha xirfadleyda Teknoolojiyadda (SOMNOG) oo muddo labo maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay in ku dhow 100 qof oo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta iyo internet-ka, Jaamacadaha, xirfadleyda isgaarsiinta iyo Teknooolojiyadda, Ardeyda iyo marti sharaf kale.
Shirweynahan waxaa lagu soo bandhigay Sanadkaan Dood-cilmiyeed ku saabsan Teknoolojiyadda, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay Cilmi baaris iyo xogo muhiim ah oo ku saabsan kaabayaasha Isgaarsiinta.
Shirweynahan wuxuu ku soo billowday tababar socday muddo 3 maalmood oo dhinaca farsamada ah, kaasoo oo lagu qabtay Jaamacadda Benaadir waxaana ka faa’iideystay in ka badan 70-arday oo qaatay casharro gacanta laga sameynayey.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhiabaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa u Mahadceliyey Mas’uuliyiinta soo agaasinta Shirkaan….”Farxad aye ii tahay in aan ka soo qeybgalo Shirweynaha 6-aad ee Madasha SOMNOG, waxaa muhiim ah In lahelo Xirfadlayaal aqoon u leh Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Tababarada la qabtay iyo Shirweynahaan macno weyn ayuu noo leeyahay, waxaana ka Wasaarad ahaan bogaadinayaa markale in la joogteeyo Shirar noocaan oo kale ah”……..ayuu yiri Wasiir Axmed DIiriye.
Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada (Somali Network Operators Group – SomNOG), oo markii 6aad la qabanayo Sanadkaan waxay isugu jirtay Shirweynaha, tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo, waxaana ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa xirfadaha la xiriira kaabayaasha iyo adeegyada Teknoolojiyadda,
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top