𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟭𝟰 𝗟𝘂𝘂𝗹𝘆𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰: — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗶𝗶𝗿𝗶𝘆𝗲 iyo Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka 𝗠𝗱. 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 ayaa maanta si wadajir ah kormeer shaqo ah ku tagay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗫𝗼𝗴𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻ka oo dhismaheeda meel gebogebo ah marayo.
𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝘂-𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 oo ka hadlay kormeerka ayaa sheegay in Dhismaha Xaruntaan ay xoojineyso adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaana loogu talagalay inay martigeliso xogaha kala duwan ee sida Dhijitaalka loo qabto.
“Si aynu ugu taalbsano horumar dhanka Teknolojiyada ah, waxa lagama maarmaan ah in aynu horumarino kaabayaasha Teknolojiyada. Xarumaha lagu Kaydiyo Xogaha waxay ka mid yihiin kaabayaasha Teknolojiyada. Marka dhismahani uu dhamaado, waxaa xigi doona in si casriya loo qalabeeyo xaruntaan, kadibn ay u adeegto qaranka oo baahi weyn u qaba”…… Ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.
Xarunta ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay Marti galin doontaa dhammaan Xogaha Hey’adaha kala duwan ee Dowladda iyo kuwa aan dawligq ahayn, waxaa laga dhisayaa meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo Dalka gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Cabdiraxman Maxamed Cali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia