Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo ka qeybgalay Madal Goboleedka Garaadka Macmalka ee Bariga Afrika.

𝗡𝗮𝗶𝗿𝗼𝗯𝗶 – 𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟮𝟳, 𝟮𝟬𝟮𝟰:- Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗶𝗶𝗿𝗶𝘆𝗲 iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeybgalay Madal Goboleedka Garaadka Macmalka ee Bariga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Nairobi.
Madal Goboleedkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dowladaha Bariga Afrika iyo Madaxda Hey’adda UNESCO, waxaana looga hadlay Garaadka Macmalka (AI) sida deg dega ah oo u badalaayo adduunyada iyo saameynta uu ku yeelankaro Mustaqabalka aadanaha, waxaana Madasha la Isla qaatay horumarinta qaab-dhismeedka istaraatiijiyadeed ee siyaasadda iyo sharciga looga baahan yahay Isticmaalka Garaadka Macmalka.
𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝘂-𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗶𝗶𝗿𝗶𝘆𝗲 ayaa Madasha ku soo bandhigay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay Iskuxirka Isgaarsiinta iyo baahinta Internetka, Siyaasadaha iyo Shuruucda la meermariyey ee Teknolojiyada, waxa uuna hoosta ka xariiqay in lagama maarmaar ay tahay in Wadamada Bariga Afrika in ay yeeshaan Iskaashi ku aadan sida loo wajahaayo Garaadka Macmalka, maadaa sameyn ku yeelanayo hab-nololeedka aadanaha, halista ka imaankarta dhanka Shaqada si gaar ah Dhallinyarada.
Intii ay socotay Madal Goboleedka Garaadka Macmalka, 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝘂-𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗲𝗸𝗻𝗼𝗹𝗼𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 ayaa kulamo doceedyo layeeshay qaar ka mid ah, Wasiirada dhigiisa iyo 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗱𝗮 Hey’adda UNESCO, waxa uuna la wadaagay Dadaalada ay Dowladda Soomaaliya wado ee ku aadan horumarinta kaabayaasha dhijitaalka, Amniga Internetka iyo hormarinta xirfadaha dhigitalka, iyo Sahanka qiimeynta Jiheynta Garaadka Macmalka ee Soomaaliya oo Isla fahmeen in Dalkeena laga sameeyo.
Ugu danbeyn Madashu waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta xiriirka dhow ee UNESCO ay la leedahay waddamada xubnaha ka ah Bariga Afrika iyadoo la dhisayo awooddooda si ay uga faa’iideystaan hal-abuurka iyo isbeddelka dhijitaalka ah, waxaana laga soo saaray baaq ku aadan Horumarinta Shruucda iyo Maareynta Garaadka Macmalka, Kobcinta Aqoonta iyo Waxbarashada iyadoo Manhajyada waxbarasho lagu daro, Horumarinta Xarumaha Cilmi-baarista iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhijitaalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Cabdiraxman Maxamed Cali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top