Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa ka qeybgalay xafladda daahfurka mashruuca Bile.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa ka qeybgalay xafladda daahfurka mashruuca Bile oo ay iska kaashanayaan shirkadda Tabaarak ICT, Shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed (SomaliREN), iyo hay’adda Hormuud Salaam Fouundation, laguna tababarayo 150 arday oo jaamacadaha dalka ka dhigata cilmiga kumbuyuutarka.
Wasiir Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa shirkadda Tabaarak ICT, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Fouundation ku bogaadiyay mashruucan lagu kobcinayo xirfadda, karaanka, iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed. “Mashruuca Bile wuxuu ka jawaabayaa baahi weyn oo dalkeenna ka taagan oo ah shaqo la’aan. Aad baa loogu celceliyaa in dalkeenna ay shaqo la’aantu baahsan tahay, dhallinyaraduna aysan shaqooyin haysan. Suuqa shaqadu wuxuu noqday suuq furan oo xirfad ku saleysan. Waan bogaadinayaa in baahidaas laga jawaabo, oo xal loo raadiyo, oo dhallinyaradeenna la barayo xirfadaha suuqa looga baahan yahay.” ayuu yiri Wasiir Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye
Wasiirka oo ka hadlaya kaalinta ay teknoolojiyadu ka cayaartay nolosha iyo saameynta uu Garaadka Macmalka ah shaqooyinka ayaa waxa uu yiri “Casrigaan waa casrigii teknoolojiyadda. Nolosheennu waxay ku dhisan tahay oo kaalin weyn ka ciyaarta teknoolojiyadda. In dhallinyarada la baro xirfadaha teknoolojiyadda waxa ay la jaanqaadeysaa casriga aan nool nahay. Waxaan joognaa xilli uu Garaadka Macmalka ah (AI) uu ciriiri hor leh galinayo shaqooyinkii caadiga ahaa ee aan haysannay. Haddii aynaan ka gaashaaman oo aynaan xirfadaheenna horumarin waxaa loo baqayaa in Garaadka Macmalka ahi naga qaato shaqooyinkii aan horay u haysannay.”
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
See Translation

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top