Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Axmed Cismaan Diiriye ayaa ka qeybgalay World Mobile Congress 2025 (MWC2025), shirweynaha ugu ballaaran ee isku xirka caalamka ee dhanka teknoolojiyadda.
Wasiiru Dowlaha wuxuu kulamo istiraatiiji ah la yeeshay qaar kamid ah hoggaanka sare ee isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, si kor loogu qaado iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay hay’adaha iyo dowladaha horumarka ka sameeyay bahda isgaarsiinta.
Wasiiru Dowlaha ayaa lakulmay Dr. Cosmas Luckyson Zavazava, Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU. Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo ITU, iyagoo isla falanqeeyay mashaariicda muhiimka ah ee dhinaca isgaarsiinta ee mudan in la iska kaashado.
Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha wuxuu kulan la yeeshay Sid Ali Zerrouki, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ee Aljeeriya. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashi rasmi ah oo ku saabsan horumarinta dijitaalka iyo kobcinta xirfadaha tiknoolojiyadda ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Shirkan oo lagu soo bandhigo hal-abuurada ugu casrisan ee tiknoolojiyadda, ayaa Soomaaliya u ah fursad weyn oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo horumarinta adeegyada dijitaalka ee dalka.
DHAMMAAD
………………..
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdalla
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Email: media@moct.gov.so
Website: www.moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia