π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯ π— π—”π—«π—”π— π—˜π—— π—¦π—’π—’π— π—”π—”π—Ÿπ—œ 𝗒𝗒 π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—œπ—¦π—šπ—”π—”π—₯π—¦π—œπ—œπ—‘π—§π—” π—žπ—¨ π—€π—”π—”π—•π—œπ—Ÿπ—”π—¬ Wπ—”π—™π——π—œ π—žπ—” 𝗦𝗒𝗒𝗖𝗗𝗔𝗬 𝗛𝗔𝗬’𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗀𝗔π—₯𝗔𝗠𝗔𝗗𝗔 π— π—œπ——π—’π—’π—•π—”π—¬ π—˜π—˜ 𝗠𝗔𝗦𝗛𝗔𝗔π—₯π—œπ—œπ—–π——π—” (𝗨𝗑𝗒𝗣𝗦).

Muqdisho, Soomaaliya 13-ka Oktoobar 2025 –
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane π— π—”π—«π—”π— π—˜π—— 𝗔𝗔𝗗𝗔𝗑 π— π—”π—–π—”π—Ÿπ—Ÿπ—œπ—  (π—¦π—’π—’π— π—”π—”π—Ÿπ—œ), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Mashaariicda 𝗨𝗑𝗒𝗣𝗦 oo uu horkacayey Ala’a Nemer, Agaasimaha Guud ee UNOPS ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda, xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta, iyo kor u qaadista iskaaashiga wadajirka ah ee Wasaaradda iyo UNOPS.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay xaaladda guud ee barnaamijyada socda ee dhijitaalka iyo baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta adeegyada dowladda ee hal-meel looga heli karo (Digital Government Services). Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhanka maareynta xogaha, isku xirka adeegyada dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeeg bixinta.
Wafdiga UNOPS ayaa soo bandhigay fursado lagu taageerayo mashaariicda Wasaaradda ee la xiriira dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta, horumarinta nidaamyada dijitaalka, iyo tababarrada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dowladda ee ku shaqeeya dhanka ICT-da.
Wasiir π— π—”π—«π—”π— π—˜π—— π—¦π—’π—’π— π—”π—”π—Ÿπ—œ ayaa uga mahadceliyay UNOPS garab istaagga Wasaaradda, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay in ay si buuxda u hirgeliso adeegyo dijitaal ah oo mideysan, kuwaas oo fududeyn doona helitaanka adeegyada dowladda iyo isku xirka hay’adaha kala duwan.
Ugu dambeynt, Wasiirka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo qorsheynta mashaariicda la xiriira teknolojiyadda, isgaarsiinta, iyo maamulka dijitaalka, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iideeya tignoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadda daahfurnaanta, hufnaanta iyo helitaanka adeegyada bulshada.
DHAMMAAD.
………………..
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top