Muqdisho, Soomaaliya โ 12ka Oktoobar 2025
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Moalim (Soomaali), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Wada-tashi Qaran oo socon doona laba maalmood, laguna gorfeynayo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025โ2030).
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa xusay in istaraatiijiyaddan cusub ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha ICT-da ee dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee caalamiga ah, isagoo sheegay in uu saldhig u yahay dhismaha nidaam dhijitaal oo casri ah, loo dhan yahay, isla markaana adkeysi leh. Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo dhammaan bahda ka qeybgaleysa wada-tashigan.
Wadatashigan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo kaashaneysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa laโisugu keenay wakiillo ka socda hayโadaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, iyo bahda farsamada, si ay uga wada hadlaan qorshaha cusub ee horumarinta dhijitaalka dalka.
Daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa Maareeyaha Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka, masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha, hayโadaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku hawlan adeegyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.
Inta lagu guda jiro wada-tashigan, waxaa lagu gorfeynayaa aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyadoo xoogga la saarayo habraaca maamulka, qaababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta qorshaha qaranka ee dhijitaalka ah la leeyahay kuwa Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).
DHAMMAAD
…………………
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha