Muqdisho, Soomaaliya, 8 Oktoobar 2025
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika (Eastern Africa Regional Digital Integration Project).
Kormeerkan ayaa lagu falanqeeyay heerarka uu marayo mashruuca, dardargelinta qorshayaasha sanadlaha ah, iyo horumarinta isku xirka dijitaalka ee dalalka gobolka Bariga Afrika. Waxaa sidoo kale lagu qiimeeyay qorshaha shaqo ee sanadka 2025/2026, iyo sida loo xoojin karo adeegyada casriga ah ee dowladda, amniga dijitaalka iyo kor u qaadista awoodda hayβadaha dowladda ee dhanka tiknoolojiyadda.
Intii uu socday kulanka, masβuuliyiinta ka kala socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka, Wasaaradaha dowlad-goboleedyada ee Isgaarsiinta, Kooxda Hirgelinta Mashruuca (PIU), iyo Bangiga Adduunka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay habraacyada shaqo iyo istiraatiijiyadda lagu hubinayo in mashruuca uu u socdo si hufan oo waafaqsan qorshaha horumarineed ee qaranka.
Gunaanadkii kormeerka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyin muhiim ah oo muujinaya horumar la taaban karo, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo wajiyada xiga ee mashruuca si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka hormuudka ka ah isku xirka dijitaalka ee Bariga Afrika.
Kulankan xiritaanka ah ayaa sidoo kale carabka lagu dhuftay muhiimadda iskaashiga si loo xaqiijiyo in mashruuca uu noqdo mid waxtar leh oo gacan ka geysanaya koboca dhaqaalaha dijitaalka ah, abuurista fursado shaqo, iyo horumar waara oo dhanka tiknoolojiyadda ah.
Wasiir Maxamed Soomali, oo soo xiray kulanka, ayaa ku adkeeyay in natiijooyinka kormeerkan ay saldhig u yihiin wejiyada xiga ee mashruuca, kuwaas oo diiradda lagu saari doono isku xirnaanta dalalka gobolka iyo adeegyada dijitaalka ee bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.
………………..
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha


